Wariye la wareegay xilka Guddoomiye degmo

106

Wariye lagu magacaabo Ismaaciil Mukhtaar  Cumar oo ka tirsanaa Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegay Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab ee Maagalada Muqdisho.

Wariye Oronjo ayaa billowgii sanadkan la sheegay in loo magacaabay Guddoomiyaha Degmada C/Casiis ee Muqdisho hayeeshee magacaabistaas ayaa laga laabtay markii ay soo baxeen arrimo beeleed.

Guddoomiyihii hore ee Xamar Jajab ayaa isna loo magacaabay Degmada Yaaqsiid, waxaana Oronjo uu caawa xilka kala wareegay Guddoomiyihii hore ee Xamar Jabab.

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka gpows heysta Xafiiska Ra’isalwasaaraha Soomaaliya ayaa wada magacaabista Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here