Wafdi ka Socda Dowladda oo maanta gaaray Garoowe.

104

Wafdi ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa Maanta gaaray Magaalada Garoowe, kadib markii ay halkaasi doorasho ka dhacday.

 

Masuuliyiinta maanta tagay Magaalada Garoowe ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo Wasiirka qorsheynta xukuumadda Soomaaliya.

Wafdigan ayaa la filayaa inay la kulmaan Madaxweynaha iyo ku xigeenka Maamulka Puntland oo ay maanta doorteen Baarlamaanka Puntland.

Xubnahan ka socda Dowladda Soomaaliya ayaa horey looga mamnuucay inay tagaan Deegaanada Puntland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here