Somaliland oo wakiil cusub weydiisatay Q.M

110

Maamulka Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegay in uu codsi u diray qaramaada Midoobey kaas oo uu ku dalbanayo in ay hesho wakiil gaar ah oo ka madaxbanaan midka Somaliya.

Somaliland oo aan aqoonsi wali helin ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u heli lahayd aqoonsi ay ku noqon karto dal madaxbanaan.

Wasiirka Arrimaha dibadda ugu magacaaban Somaliland Yaasiin Xaaji Faratoon ayaa sheegay in ergey cusub ay ka sugayaan qaramada Midoobey kaddib markii ay SOmaliya ceyrisay Nicholas Haysom.

Waxaa uu sheegay in codsigooda uu ku xiranyahay qaramada Midoobey jawaabta ay bixiso,maaddaama ay ergey cusub u soo waddo Soomaaliyana ay dooneyso in mid gaar ah iyagana loo magacaabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here