Siciid Deni oo soo saaray wareegtadii ugu horreysay,yuu heystaa?

152

Madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntand Siciid Cabdullahi Deni ayaa saacado kaddib doorashadiisii soo saaray wareegtadii ugu horreysay oo ammarro ah.

Wareegtada Siciid Cabdullahi Deni waxaa ay daarraneyn hakinta dhamaan dhaqdhaqaaqa Maaliyadeed ee Wasaaradda Maaliyadda,Bangiga Puntland iyo laamahiisa iyo dhamaan laamaha kale.

Deni oo ah Nin ka tirsan Ururka UPD ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta loo doortay Madaxweynaha Maamulka Puntland ee shanta sano ee soo socota.

Waxaa uu saraakiisha Maaliyadda Puntland amar ku siiyay in xitaa aan hal doollar lagala bixi karin Bangiga dhexe ee Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here