Shirka Jaamacadda Carabta oo dhacaya,xaggee lagu qabanayaa?

125

Shirka sanadlaha ah ee Jaamacadda Carabta ayaa la shaaciyay in lagabanayo islamarkaana looga hadlayo qodobo muhiim ah.

Qodobada looga hadlayo waxaa ka mid ah deyn cafinta Soomaaliya,dhibaatada ka taagan Suudaan, Yemen, Syria iyo Falastiin.

Wasiirrada arrimaha dibadda Waddamada Carabta ayaa 17ka Bishan ku kulmaya Magaalada Bayruut ee caasimadda dalka Lebanon,waxaana ay diyaarinayaan shir madaxeedka Hoggaamiyayaasha dalalka Carabta.

Shirka ayaa Beyruut ka furmaya 19ka January waxaana la soo xirayaa 20ka Bishan January ee sanadkan 2019ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here