Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay in ay saaka labo Askari ku dileen Magaalada Muqdisho,kuwaas oo ku sugnaa sida ay sheegeen Koontarool ku yaalla Magaalada Muqdisho.
War ay qoreen Warbaahinta AL-shabaab ayaa lagu sheegay in labo ka mid ah Ciidamada dowladda Soomaaliya lagu dilay Koontaroolka Afgooye ee Magaalada Muqdisho.
Al-shabaab waxaa ay sheegeen in koox hubeysan oo iyaga ka tirsan ay weerar gaadmo ah ku qaadeen askarta sidaasna ku dhinteen.
Al-shabaab ayaa ku faantay in ciidamo aad u tababaran oo ay iyada leedahay ay weerarkaas geysteen,kana fuliyeen magaalada Muqdisho.