Safiirka Turkiga oo u tagay Wasiirka caddaaladda maxey ka wada haldeen?.

155

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mehmat Yilmaz ayaa booqasho ugu tagay Wasiirka caddaaladda Soomaaliya  Xasan Xuseen Xaaji.

Mehmat iyo Xasan ayaa ka wada hadlay dib u habeynta hanaanka caddaaladda Soomaaliya,qorshaha dowladda ka leedahay garsoorka iyo isbeddelkii dhawaan lagu sameeyay qaar ka mid ah Garsoorayaasha maxkamadda sare.

Safiir Mehmat Yilmaz ayaa waxaa uu sheegay in dowladdiisa ay Soomaaliya ka taageereyso dib u soo celinta hanaanka caddaaladda oo lagu kalsoonaan karo.

Waxaa uu sheegay in kulanka isaga iyo Wasiir Xasan uu ku soo dhamaaday is faham buuxa,dowladda Turkigana taageereyso dib u habeynta caddaaladda Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here