NISA oo war Culus hada ka soo baxay.

108

War Qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Nabad Sugida Soomaaliya ayaa looga hadlay howgal qorsheysan lagu dilay xubno shabaab ah, kaasi  oo ka dhacay Gobalka Shabeelaha Hoose.

Howlgalka ayaa waxaa uu ka dhacay Deegaanka lagu magacaabo Baqdaad ee duleedka Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

“Howlgal qorsheysan oo ciidanka amnigu ku baacsanayay taliye koox Jabhad Alshabab ah, tuulada Baqdaad ee degmada Afgooye, ayaa ciidanka amnigu iska caabin kooban kadib ku dilay afar (4) xubnood oo Alshabab ah kadib markii taliyahoodii uu dagaalka uga cararay.”

Hay’ada NISA ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto Howlgalka lagu bartilmaameedsanayo Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here