Nin 17 sano Si Khaladan u Xirnaa oo Xabsiga Kasoo Baxay Isagoo Taajir ah!

73

Maxkamad ka tirsan gobolka Kansas ee dalka Mareykanka ayaa ogolaatay iney bixiso 1.1 Milyan oo dolar oo ay siiso nin 17-sano ku qaatay xabsiga kadib markii si khaldan loogu soo eedeeyay dhac hubeysan oo uu geystay qof ay isku ekaayeen.

Ninkan dambiga lagu waayay ayaa la yiraahdaa  Richard Anthony Jones, waa 42-sano jir, lacagtan magdhowga ah ayuu ku helay qaanuun cusub oo magdhow lagu ogolaanayo dadka si khaladan loo xiro, waa sida uu qoray websiteka wkrn.

Ma aaney jirin caddeyn xoog badan oo muuqata oo loo hayay inuu faldambiyeedka geystay Richard Anthony Jones xilligii la xirayay 1999, waxaa lagu xukumayay markhaati uu ku furay qof daris la ahaa haweenaydii dhaca loo geystay.

Jones, waxa uu la xiriiray urur la yiraahdo Innocence Project oo aan ribix doon ahayn, kaas oo garab sharci u fidiya dadka si khaldan loogu soo eedeeyo dambiyo aaney gelin. kooxda baaritaanka ururkan ayaa soo saaray oo dabagal ku sameeyay dambiilaha dhabta ah oo aad moodayso in Jones lakal jeexay, sida xooga leh ee ay iskugu eegyihiin darteed.

Ninkan ay isku eeg yihiin  Richard Anthony Jones ee dambiga geystay ayaa la yiraahdaa Ricky Lee Amos, sanadkii 1999 ayuu isku dayay inuu xoog kula wareego boorsaday haweenay uu ka xoogay boorsadeeda, markii uu mobile-ka ka xoogayay ayaa dhaawac ka gaarsiiyay dhanka bowdyada.

Hadaba, astaamihii ay bixisay haweenaydii la dhacay iyo qof kale oo u markhaati furay ayaa lagu xiray Richard Anthony Jones oo aad moodaysay in dambiilaha  lakala jeexay, nasiib darradiisa waxa uu noqday qofkii kaliya ahaa ee laga helay astaamihii la raadinayay goobtii uu faldambiyeedku ka dhacay.

iyadoo ay jirtay in Jones iyo asxaabtiisu ay caddeeyeen inuu guriga ku sugnaa xilligii uu faldambiyeedku dhacayay ayaa hadana maxkamad ay ku ridday 19-xabsi ah iyadoo loo tixraacay faldambiyeedyo hore loogu qaaday, kadib markii laga qiyaas qaatay dambiyo uu horey ugu eedaysnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here