Mareykanka oo war wayn ka soo saaray duqeynta shabab

101

Dowladda Mareykanka ayaa war kale ka soo saartay duqeynta ka dhacday Gobolka Shabeellaha hoose.

Warka ka soo baxay Mareykanka waxaa lagu sheegay in lagu dilay 10 ka mid ah Al-shabaab oo ku sugnaa saldhig ay ku leeyihiin meel ka mid ah Gobolka Shabeellaha hoose.

Qoraalka Mareykanka ayaa lagu sheegay weerarrada oo dhacay sabtigii iyo Isniintii in ay billow u yihiin tiro weerarro ah oo uu Mareykanka ka gudbinayo sanadka 2019ka.

Mareyanka ayaa sare u qaaday dagaalka ka dhanka ah Al-shabab sanadkii la soo dhaafay waxaana duqeynta uu geystay ku dhintay boqolaal ka mid ah kooxda shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here