Madaxweynaha Jubbaland oo iclaamiyay arin argagax ku abuuraya Al-Shabaab.

147

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Madoobe) ayaa weli ku sugan degmada Afmadoow ee Gobolka Jubbada Hoose halkaasi oo uu ka wado abaabul dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in qorshihiisa koobaad ee degmada Afmadow uu yahay sidii Jubbaland u bilaabi laheyd dagaal ka dhan ah Al-Shabaab,qorshahaas oo uu sheegay in meel wanaagsan uu marayo.

Waxa uu sheegay in Jubbaland ay ka go’an tahay in Al-Shabaab laga saaro degmada Bu’aalo ee Gobolka Jubbada dhexe oo ah Caasimadda Maamulka Jubbaland,isla markaana ay Shabaab maamulaan.

Maamulka Jubbaland ayaa abaabul dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab waxaa ay ka wadaan deegaano ka tirsan Gobalada  Jubooyinka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here