Kulamo aan loo kala kicin oo ka dhacay Garoowe.

136

Waxaa xalay kulan ku qaatay Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland madaxaeynaha cusub ee maamulkaasi Saciid cabdullahi dani iyo wafdiga ka socda dowladda Soomalaiya ee u horkacayo wasiirka arimaha dibadda Axmed Ciise Cawad.

Kulanka ayaa looga hadlay wada shaqeyn dhaw oo dhex marta labada dhinac, waxaa aana jirin war toos ah oo ay ka soo saareen kulanka ay yeesheen.

Wafdiga dowladda oo maalmo ku xayirnaa Muqdisho ayaa baxay saacado uun kadib guushii Saciid Dani waxaana la filayaa in maalmaha soo socda uu ka qeyb galo caleema saarka madaxweynaha ama R/wasaaraha Soomaaliya.

Xubnaha ka tirsan Dowlada Dhexe ee Soomaaliya ee tagay Garoowe ayaa horey looga mamnuucay deegaanada ka tirsan Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here