Ilmo yar oo Curyaan ah oo 8 Kiiloomitir Maalin Kasta u Lugeeya Iskuulkiisa Iyadoo Wadadu Ay Ku Xun Tahay (Muuqaal)

41

Wiil yar oo Idonesia u dhashay ayaa waxaa u suurtagashay doonistiisa adag darteed inuu culeys kasta oo ku hareeraysan uu u babacdhigo, isagoo curyaan ah ayuu 8 kiiloomitir maalin walba u lugeeya iskuulka u jira.

Janalka New Asia ee dalka Indonisia ka soo baxa ayaa soo gudbiyay caqabadaha wiilkan yar ee Mukhlis Cabdul al-Khaaliq ku hareeraysan adkaysiga badan, labadiisa lugood inuu ku istaagaa way ku adag tahay, hadana kama aaney hos istaagin inuu gaaro iskuulkiisa oo guriga uu daggan yahay aad uga fog.

Si maalinle ah ayuu iskuulkiisa u aadaa isagoo gacmihiisa ku gurguurta, waxa uu jaraa masaafo dhan 8 kiiloomitir maalintii, Hooyadii oo xaaladdiisa ka warameysa ayaa sheegtay inuu maalin walba jaro waddo qalqalooc badan oo in la maraa ay aad u adag tahay.

Waxey hadalkeeda sii raacisay: “Haddii aan haysan lahayn lacag nagu filan, waxa uu raaci lahaa mootooyinka kirada, laakiin waa uu ku khasban yahay inuu jaro wadadaa isagoo gurguuranaya, kama sheegto haddii jawigu uu yahay mid roob badan ama qorraxdu ay daran tahay”

Dhibaatada uu Mukhlis waxbarashada u maro waxey kicisay dareenka dad badan oo ku dhaqan waddankiisa Indonesia oo tirada dadka daggan lagu qiyaaso 260 milayn oo qof, ilaa ugu dambeyn ay ugu suurtagasho inuu la kulmo madaxweynaha Joko Widodo, December 3, 2018, oo ku beegnayd maalinta naafada adduunka.

Madaxweynuhu bayaan uu maalinta soo saaray ayuu ku yiri: “Waxaan su’aalay inuu wax iga codsanayo iyo in kale.. laakiin waxa uu ku gaabsaday inuu ii sheegay inuu doonayo inuu jaamacadda aado”, fursaddii uu madaxweynaha kula kulmay waxa uu ka codsaday ma aaney ahayn gaadiid uu iskuulka ku aado ee waxa uu ka codsaday in loo fududeeyo sidii uu jaamacad ku heli lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here