Gabar Indian Ah oo Noqotay Qofka Ugu Timaha Dheer Adduunka

67

Gabar dhaliyaro ah oo India u dhalatay ayaa ku guuleysatay iney gasho buugga dhacdooyinka adduunka ee Guinness World Records, waxey leedahay tinta ugu dheer adduunka oo dhirirkeedu gaarayo 5 Feet iyo bar.

Gabadhan oo la yiraahdo Nilanshi Patel oo 16 jir, ayaa  markii maamulka Guiness ay abaalmariyeen, waxey barta YouTube-ka soo dhigtay muuqaalka  kulankii lala yeeshay ay kaga hadlayso iyo sida ay tinteeda u daryeesho.

Gabadhan dhalinyarada ah waxey sheegtay iney jeceshay iney aaddo burkiyeeriga illaa xilligii yaraanteedii si timaha loogu hagaajiyo, hadana aaney muddo 6 sano ah aaney taaban timaheeda, arrintaas oo u suurtagelisay iney gaarto guusheedan ay ku noqotay gabadha ugu timaha dheer adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here