Degmo ku taala Sh.Dhexe oo arin la yaab leh ka taagan (Yaab)

383

Xalay ilaa Maanta  qeyba badan oo ka mid  ah dagmada Balcad waxaa ka maqan korontadii laga isticmaalayay kadib xanibaad maamulka dagmada Balcad ay kusoo rogeen shirkada ugu weyn ee adeega koronto siisa xaafadaha dagmadaas.

Sidoo kale maamulka dagmada Balcad ayaa saldhiga dagmada waxaa uu ku xer xeray inta badan shaqaalihii shirkada waxaana ay arintan ka danbeysay kidib markii shirkada ay maamulka ku wargilisay in laga rabo lacago ka yimid bilihii lasoo dhaafay oo ah korontadii ay ku isticmaaleen xarumaha uu ku shaqeeyo maamulka balse jawaabtii maamulka ka timid ayaa noqotay amar lagu daminayo dhamaan matooradii shaqeynayay iyo xarig loo geystay shaqaalihii ku sugnaa xarunta.

Koronta la aanta dagmada Balcad ayaa saameyn ku yeelatay xarumaha caafimaadka ee ku yaalay dagmada iyo goobaha ganacsiga waxaana dadka ku dhaqan dagmada balcad ay sheegeen in xalay mugdi ay gashay dagmada.

Mid ka mid ah xildhibaanada barlamanka maamulka hirshabelle isla markaana ka soo jeeda dagmada Balcad oo aan la xiriirnay ayaa walaac ka muujiyay arintan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here