Deg deg:-TV-ka Qaranka oo Hawada laga saaray.

459

Telefishinka Caanka ahaa ee  Somaliland qaybtiisa gudaha Hargeysa ayaa xalay hawada laga saaray.

Ma jiro wax war ah oo ay wasaarada warfaafintu ka soo saartay ciladan, laakiin warar uu helay somalipost  ayaa sheegaya inay ciladi ku timid  taraasmiitarkii uu ku shaqaynaayay oo muddo dheer aan laga badalin.

Farsamayaqaanada Telefishanka qaranka ayaa la sheegay inay xalay fiidkii aad ugu mashquuleen inay xaliyaan ciladan, laakiin kumay guulaysan.

Sida ay wararku sheegeen Taraasmiitarkan ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay lagu soo waramaayay in cilad ay la soo daristay taas oo aan waxba laga qaban, waxaana ugu danbayntii uu xalay Telefishanku qaybtiisa maxaliga ahi ka baxay hawada.

Qaybta gudaha ee Telefishanka qaranka ayaa dhawr sannadood ka hor sidan oo kale  fadhiisatay, laakiin xukuumadii Madaxweyne  Siilaanyo ayaa wakhtigaas u iibisay taraansimiitarkan hadda ciladoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here