Daahir Ciiro oo baaq u diray dowladda Federaalka

119

Daahir Cabdulqaadir Muuse (Daahir Ciiro) oo kamid ahaa Baarlamaankii 8-aad ee Dowladii Madaxweyne Shariif Sh.Axmed oo la hadlay Somalipost, ayaa Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ugu baaqay in ay iskaashadaan.

Waxa uu sheegay in dalka uu kala qub-quban yahay oo aan jirin safarada Dhulka ah oo ay isaga kala gudbayaan Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada.

Aragtidiisa ayuu ku sheegay in uu soo jeedinayo in qorshe siyaasadeed sal fadhiya ay la timaado Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya, una bandhigto Maamul Goboleedyada si ay uwada qaadaan tallaabo ay ku mideysan yihiin.

Danta guud ayuu tilmaamay Xildhibaan Hore Daahir Ciiro laga hormariyo danta gaarka ah, si loo gaaro Yoolka ay hiigsaneyso Soomaaliya.

Waa uu sii hadlay waxa uu tibaaxay in aan laga maarmin dib u heshiisiinta, maadaama wax la kala tirsanayo, isaga oo soo jeediyay in lagu dadaalo sareysiinta sharciga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here