Carruur ku dhimatay Miino ay ku ciyaarayeen

123

Ugu yaraan 5 Carruur ah ayaa ku dhimatay halka ay labo kale ku dhaawacmeen kaddib markii ay ku qarxday Miino ay ku ciyaarayeen degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Carruurtan oo isku qoys ahaa ayaa waxaa ay ahaayeen Reer Miyi,waxaana ay Miinada kula qaraxday Wabiga dhinaciisa.

Carruurta oo aan aqoon u lahayn waxaha qarxa ayaa garaacay Bamka,waxaana ay ka koobnaayeen todobo halkaas oo shan ka mid ah ay ku dhinteen.

Carruurta dhaawacantay ayaa la geeyay Isbitaalka Degmada Qoryooley halkaas oo lagu dabiibayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here