Baadari iyo xertiisa oo sheegay in ay cabsi ku joogaan Muqdisho

111

Baadari faafiya Aragtida Dadka aan Muslimka ahayn iyo koox la shaqeysa ayaa sheegay in ay si qarsoodi ah ku joogaan Muqdisho islamarkaana meelo gaar ah isugu tagaan si ay u cibaadeystaan.

Baadarigan oo diiday Magaciisa ayaa sheegay in isaga iyo kooxdiisa ay ka midyihiin ajaanibta ka shaqeeya Soomaaliya islamarkaana ay aad uga cabsadaan Al-shabaab iyo Daacish.

Waxaa uu Baadariga oo magaciisa qariyay sheegay in aysan aragtidooda banaanka la iman karin iyagada oo ka baqaya in la dilo.

Qaar ka mid ah xertiisa ayaa iyaguna sheegay in aysan awoodin in ay xitaa dadka Soomaalida ah u sheegaan waxa ay aaminsanyihiin mararka qaarna ka cabsadaan shaqaalaha ku sugan Xerada Xalane ee Soomaalida ah.

Giorgio Bertin, oo ah Baadariga Popka Vatikanka u fadhiya Jabuuti wakiilkana uga ah Soomaaliya ayaa sheegay in dadkooda aysan nolol wanaagsan ku heysan Somaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here