Xulka Soomaaliya Oo Guul Taariikhiya Kasoo Hooyay Ciyaartii Galabta Ay La Dheelen Itoobiya

98

Waxaa soo dhamaatay ciyaartii u dhaxeysay xulka Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo qeyb ka aheyd isreeb reebka koobka Oleybikada Adduunka.

Kulankan ayaa ahaa mid aad u xiiso badan oo ciyaaryahanada soomaaliya ay soo bandhigeen kubadd qancisey taageerayaasha usoo daawasho tagey ciyaarta.

Qeybtii hore kulanka ayaa kusoo idlaatay 1-0 oo ay ku hogaaminaysay soomaaliya waxaana goolka u dhaliyay Feysal Axmed.

Markii dib la isku soo laabtay qeybtii dambe ew ciyaarta xulka Soomaaliya ayaa duulan xoogan ku ahaa shabaqa xulka Itoobiya si ay ugu dhaliyaan goolal kale balse wey u suurobi weyday.

Waxa xusid mudan in xulka Soomaaliya uu ka hadhay tartanka.

SOMALIPOST.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here