WARBIXIN+XIISO LEH : Garka oo la deysto waxaa laga helaa 7-daan faai’do!

182

Garku waa haybada iyo quruxda ragga, waana astaanta ragga muslimiinta, laakiin waliga ma maqashay faa’idooyinka caafimaadeed u garku leeyahay? Hadaba waxaan halkaan kuugu haynaaa faa’idooyinkiisa caafimaad:

– Wuxuu kahor tagaa kanserka (cancer) ku dhaca haraga: Daraasad ay sameeyeen cilmi baarayaashu ayaa sheegtay inu garku caabiyo 95% (boqolkiiba shan iyo sagaashan) fallaarta loo yiqaano UV rays ee ka timaada cadceeda oo sabab u noqota skin cancer-ka.

– Wuxuu yareeya assmada iyo allergyga (asthma and allergy): Garku wuxuu ku noqon karaa filter hawada sifeeynaya dhaska iyo wixii la mid ah kaa qabanaya hadaad tahay qof xasaasiyad ka qaba dhaska ama leh assma; sida timaha sanka ku yaalla oo kale ayu u shaqeeynaya.

– Hore uma gaboobaysid: Falaaraha cadceeda ayaa sabab u ah gaboojaha, markii aad garka la baxdid waxaad ka hortagaysaa falaartii wajiga kaaga dhici lahayd. Garka markaad la baxdid waxaad u eekanaysa nin wayn, laakiin waxaa xaqiiq ah inaanu wajigaagu hore u coor-coorayn.

– Dhaxanta ayuu ka hortagaa: Inkastoo aanay jirin dhaxan badan marka la joogo Africa, laakiin waxa dhab ah inuu garku dhaxamaha ka hor tago siday dhogorta xawayaanku uga hor tagto dhaxamaha.

– Infections-ka ayuu ka hortagayaa: Infections-ku badana waxay ka imaadan marka garka la xiirayo ee shave-ta la isticmaalayo, wajigaaga ayaa yeelanaya finan iyo dhibaatooyin markaad inbadan garka iska xiirtid.

– Wajigaaga ayuu ka illaalinaya qalaylka: Wajigaagu arki maayo dabaylo iyo dhibatoyn kale, u baahan maysid inaad wajiga marisid kareem (cream) iyo wax kaleba.

– Intaad garka leedahay ajar ayaa kugu socda: Nabigii Ilaahay ayaa ina faray inaan garka la baxno, qodobadaan sare waa qodobo ay gaalado maanta caddaysteen, laakiin Ilaahay ayaa og xikmada ku jirta garka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here