Video: Somaliland Oo u Digtey Musharraxiinta Puntland

9

Somaliland ayaa uga digtey musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha ee Puntland iney olole ka sameeyaan deegaannadooda, ama ay huriyaan colaad hor leh oo Labada dhinac dhex marta.

Wasiirka horumarinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Ali Koore ayaa ugu horreyn waxa uu ka hadlay hadallada kasoo yeera musharraxiinta u tartamaya xilka madaxweyne ee Puntland, kuwaa oo ku aadan iney gacanta ku dhigi doonaan gobollada Sool iyo Sanaag.

Wuxuu hadalladaasi ku sheegay iney yihiin kuwo lab la kac ah, islamarkaana la doonayo oo kaliya in wax looga helo xildhibaannada wax dooranaya.

Wasiir Saleebaan ayaa sheegay in gobolladaasi ay si buuxda gacanta ugu hayso Somaliland, islamarkaana aanu jirin cid kusoo xadgudbi karta.

“20-kii sano ee ugu dambeeyey mid walbo sidaas buu dhahayey, qaranka Somaliland horey buu u soconayaan” ayuu yiri wasiirka.

Musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha Puntland ayaa inta badan marka ay ololaha ku jira sheega iney gacanta kusoo dhigi doonaan gobollada Sool iyo Sanaag.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here