Sawirro: Maxaa Looga Hadlay Kulankii Maanta Golaha Aqalka Sare?

9

Golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah waxa ay yeesheen kulan ka mid ah kulamadooda caadiga ahaa.

Waxaa kulankan shir guddoominayey guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee goalahaasi Abshir Maxamed Bukhaari.

Golaha ayaa akhrinta Koowaad waxa ay marsiiyeen Hindise sharciyeedka dhismaha guddiga naafada qaranka, kaasi oo kasoo gudbay xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Kulanka golaha aqalka sare ee baarlamaanka ayaa waxaa soo xaadirey 29 mudane, iyadoo dhanka kale ay ka qeybgashay wasiirka wasaaradda haweenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Deeqa Yaasiin Xaaji.

Hoos ka daawo sawirada:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here