Sawirro: Abaanduulaha Ciidanka Xooga DFS oo buula barde ka dagay si Dagaalka ka dhanka ah Al shabaab

83

Magaalada Buula Barde, waxaa maanta gaaray wafdi uu hogaaminayay Abaanduulaha Ciidanka Xooga dalka Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage.

Abaanduulka iyo Saraakiisha la socotay waxey ka soo kiictameen magaalada Baladweyn, halkaas oo ay ku sugnaayeen maalmihii danbe, waxaana ay la kulmeen Madaxweynaha Hirshabelle iyo Saraakiisha Ciidamada Somalida iyo kuwa Amisom.

Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, waxaa Buula Barde ku soo dhaweeyay maamulka magaalada iyo Saraakiisha Ciidamada, iyagoo siiyay warbixin la xiriirta xaalada magaalada iyo go’doonka Shabaab ay galiyeen Buula Brade.

Ujeedka socdalakiisa, ayuu ku sheegay iney la xiriirta isku duba ridka Ciidamada iyo sidii loo qaadi lahaa guluf ka dhan ah Al-Shabaab oo ku sugan deegaano hoostaga magaalada.

Abaanduulaha Ciidanka Xooga dalka Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage,  ayaa mudooyinkanba socdaalo dhanka Dhulka iyo Cirka ah waxa uu ku tagayay deegaano kamid ah Gobolada dalka, wuxuuna socdalakiisa ka bilaabay labada Shabelle  isagoo haatanna ku sugan Gobolka Hiiraan

Mohamed Bashiir

Mogadisho/Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here