Sanaag: Haween Iyo Carruur Ku Sumoobay Caano Ay Cabeen

24

Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa waxay sheegayaan in 45 qof oo isugu jira haween iyo carruur ay ku sumoobeen caano ay cabeen.

Dadkaan sumoobay waxay dhammaantood ku deganaayeen deegaanka Ceel Daahir ee gobolkaasi, waxaaana hadda lagu daweynayaa isbitaal ku yaalla degmada Carmo.

Drs. Faadumo C/laahi Cadde, waa maamulaha isbitaalka lagu daweynayo dadkaan, waxaana ay sheegtay in dadka qaar ay xaaladooda aad u liidato.

“Dadka qaar wey daran yihiin xaalad ahaan, weliba waxaa ugu daran carruurta, waxaana wadnaaa dedaallo lagu badbaadinayo, tirada guud dadka aan isbitaalka ku daweynayno waa 45 qof” ayeey tiri Drs. Faadumo

Dhanka kale, Nuur Iimaan Axmed oo ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanka ay dadkan ku sumoobeen ayaa sheegay sababta ugu weyn iney tahay suntan xoolaha la mariyo oo soo raacay markii lasoo lisayey.

“Xoolaha ayaa shilinta looga celiyaa suntan, markii la lisaayey ayeey soo raacday caanaha sidaas ayeeyna dadka u waxyeeleysay” ayuu yiri Nuur.

Dadka xoolo dhaqatada ah ayaa inta badan ka taxadarin sunt ay mariyaan xoolahooda iyo sidoo kale caagagga ama dhiisha ay caanaha ku shubtaan.

Somalipost.com
Muqdisho, Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here