Puntland Oo Hal Arrin Uga Digtey Dowladda Federaalka

16

Maamulka Puntland ayaa durba cabasho ballaaran waxa uu ka keenay dowladda federaalka Soomaaliya, xilli ay soo dhowdahay doorashada madaxweyne ee maamulkaasi.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland waxaa lagu sheegay in dowladda dhexe ay farogelin ku hayso arrimaha doorashooyinka maamulkaasi.

Puntland ayaa sheegeysa in dowladda ay xubno usoo dirtay Garoowe, kuwaasi oo qarashaad magaalada lasoo galay, islamarkaana si toos ah u faogelinaya arrimaha doorashooyinka.

Waxaa soo baxaya durba shakiga ku aadan in dowladda ay farogeliso doorashooyinka maamul goboleedyada, iyadoo horey cabasho uga jirtay K/galbeed.

8-da bisha January ee 2019 ayaa la filayaa in doorashada madaxweynaha Puntaland ay ka dhacdo magaalada Garoowe, waxaana xilkaasi u taagan musharraxiin dhowr ah.

Somalipost
Muqdisho, Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here