Mourinho Oo Amaanay Afar Ciyaartoy Kadib Kulankii Arsenal

14

Tababare Jose Mourinho ayaa si aan caadi ahayn amaan ugala daalay Afar ciyaariyahan, kadib ciyaartii barbaraha ku dhammaatay ee Manchester United iyo Arsenal ee kusoo idlaatay bar-baraha 2-2.

Laba gool ay kala dhaliyeen xidigaha Anthony Martial iyo Jesse Lingard ayay kooxda Manchester United kaga heshay Arsenal barbaro, xili ay Gunners 2 jeer hogaanka u qabatay ciyaarta, inkastoo Mourinho uu sheegay inay jireen qaladaad badan, hadana wuxuu ku amaanay ciyaartoydiisa dadaalkii ay bixiyeen.

“Qaab ciyaareedka wanaagsan ee qaar ka mid ah ciyaartoyda ayaa naga yareeysay cadaadiska kooxda kale, waxay ahayd bilaabashadii ugu horeesay ee Dalot iyo Marcos Rojo ee xili ciyaareedkan, Eric Bailly sidoo kale wuxuu maqnaa 2 bilood, Smalling wuxuu ahaa geesi” ayuu yiri Jose.

Sidoo kale, tababaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Mar kale ayuu qaab ciyaareedkeenna kor u kcay, goolkeenna Labaad ayaa yimid daqiiqad aad u xun marka loo eego sida ay wax u socdeen”

Ugu dambeyn, waxa uu sheegay Jose Mourinho inuu ku faraxsan yahay barbaraha ay gashay kooxdiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here