Maraykanka Oo Sheegay In Duqeyn Uu Ku Diley Xubno Ka Tirsan Al-shabaab

20

Taliska ciidamada Maraykanka ee Africa ayaa faah faahin ka bixiyey duqeyn ay diyaaradahooda aan duuliyaha lahayn ka fuliyeen Arbacadii shalay degmada Awdheegle ee gobolka Shabellaha Hoose.

Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntaasi lala eegtay xarun Al-shabaab ku lahaayeen degmada Awdheegle.

AFRICOM ayaa xaqiijisey in duqeyntaasi ku dileen Afar ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab, balse ma aanay sii faah faahin waxay sii kala ahaayeen xubnahaasi ay dileen.

Dhanka kale, AFRICOM ayaa ka gaabsaday iney faah faahiyaan waxyeellada dadka shacabka ah kasoo gaarey weerarkaasi.

Dowladda Marykanka ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ka caawisa dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab, waxayna marar badan duqeyn ka fuliyeen deegaanno ay dalka kaga sugan yihiin Al-shabaab.

Somalipost
Muqdisho, Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here