MAQAAL XIISO LEH : Damacii hore ee Itoobiya & dalbashada badda Soomaalida ( AKHRISO)

71

AKHRISTE KOOB SHAAH SOO QAADO RUNTII MAQAALKAN WAA MAQAAL AAD U XIISO BADAN MAHADSANID INAAD NA SOO BOOQATO SII FAAFI HADAA KA HESHO MAQAALKA .

Taariikhda Geeska Afrika ayay ku qeexantahay damaca laxaadka leh ee Itobiya u hayso Badda iyo Barriga Soomaalida. Hadal uu barta Twitarka soo dhigay Jeneralka ciidamada Itoobiyia, Jeneral Berhanu Jula, ayaa hoosta ka xariiqay in aanay innaba Itoobiya u dulqaadan karin dalal meelo fog ka imanaya oo badaha jaarkeeda siday rabaan wax uga qabsanaya. Waxa uu intaa raaciyey “Itoobiy oo 100 milyoon ku noolyihiin sinaba bad la’aan kuma jiri karto.” Taariikh ahaan iyo xiligan xaadirka ah Itoobiya marna kama’ay gaabsan damaceeda ku aadan Soomaaliya iyo arliga Soomaaliyeedba.

Hadalka Janaraalku waxa uu ku soo aaday xilli uu Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmajo u socday Bahirdhar Forum (11/9/2018) iyo Ra’iiasul Wasaare  Abiy Axmed oo dhawaan kaga dhex dhawaaqay Villa Soomaaliya in labada dal midoobayaan. Bahir Daar oo ah magaalo madaxda Dawlad Deegaanka Amxaarada, waxa ku kulmay saddexda Hoggaamiye ee Soomaaliya, Itoobiya, iyo Eriteriya. Halkaas ayuu si fudud R/W Itobiya uga dhawaaqay in aay surto galtahay in saddexdan dal hal madaxweyne yeelan doonaan.

Inkasta oo ishardiga Abisiiniya iyo ummadda Soomaaliyeed facweyn yahay, haddana waxa labadan bulsho foodda isgeliyeen qarnigii 16aad. Waxa xiligaa billaabmay dagaalkii waddaniga iyo diiniga isugu jiray ee uu dhinaca Soomaalida hoggaaminayey Axmed Guray. Itobiya waxa iyana hoggaaminayey Libna-dhingil oo ku dhintay dagaalladaas.

Buugga facaweyn ee Fatuxul Xabasha, oo hadda Afka Ingirisiga uu ku turjumay Richard Pankharista, waxa uu si balaadhan uga sheekaynayaa dagaalladii Soomaalidu ku qaadeen, kuna jabiyeed Abasiiniya (mar kale ayaan nakhtiimi doonaa buuggan).

Inkasta oonay dagaallada ka dheexeeya Abasiiniya iyo Soomaalidu marna joogsan ilaa xiliyadaas, haddana xiliyo iyo dagaallo khaas ah ayaa fiiro gaar ah mudan. Dagaalladan badankooda waxay ku tilmaaman yihiin weerar Abasiiniya waddo, iyo isdifaaca Soomaalidu isku dayeyso.

Dhammaadkii qaringii 19aad iyo horraantii qarnigaa 20aad, weeraro isdabajoog ah ayey Itoobiya ku haysay Soomaalida. Waxaa weeraradaas oo Soomaalidu maal iyo nafba ku weyday si ballaadhan uga soo waramay Major Sweyn. Warbixin uu qoray Majarku 1890dii (Severn Trips to Somaliland), waxa uu si faahfaahsan u soo gudbinayaa dilka, dhaca iyo kufsiga ay Abasiiniya askerteeda u geysanaysay  xiligaas bulshada Soomaalida, gaar ahaan agagaarka Siti, Jigjiga, Xarshin, iyo Hawd. Waxa kale uu ka waramayaa miciin la’aanta Soomaalidu dareemaysay iyo Dawladda Biritayn oo ku guuldarraysatay in xasuuqaas uga miciinto Soomaalida.

Waxaan innaba la hilmaami karin xasuuqii Banka Geri ee 1948-1956. Waxa hadda xasuuqaas loo yaqaan xiligii Kanooniga – waa hubkii cuslaa ee banka Tuliguuleed Amxaaradu la dhacday bulshada Soomaaliyeed. Xili aan xasuuqaaas ka fogeyn waxa uu Dajasmaj Afworke dab iyo holac laxaad leh ku furay Qorraxay.

Dagaallo isdaba joog ah ayuu Olal Diinle lagalay Amxaarada 1940kii si uu u difaaco Gobollada Shabeelle iyo Bariga Soomaali Galbeed. Intaas waxa raca xasuuqii ay Itoobiya ka geysatay Ayshaca 1963, iyo waliba dabqabasiintii reeraha daggan agagaarka Ina Guuxa 1964.

Weerarada taariikhiga ah ee Abasiniya ku hayso Soomaalida oon halkan lagu soo koobi karin waxa sal u ah saddex sababood: (1) Abasiiniya oo mad-habka Kiristanka ay haysato oo ah  mid mayal adag; (2) Dhulka oo Abisiiniya ku yar iyo tirada dadkeeda oo badan, halka Soomaalidu dhul ballaadhan, dad tiro yar, iyo bad baaxad leh leedahay; (2) Dhulka Abasiiniya oo qabow badan, (Dhaga agar), halka dhulka Soomaalidu diirimaad yahay (Qola agar) isla markaana si fudud ugu tallaalanyahay waddamada Khaliijka iyo Indiyaba (strategic land that is easily accessible to the rest of the world).

Damaca Itoobiya ee Dhulka Soomaalida

Boqor Menilik II ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajiyey damaca Itoobiya ee ku aaddan Badda iyo Beriga Soomaalida. Taariikhdu markay ahay 1880dii, markii reer Yurubku kala qaybsanayeen dhulka Soomaalida, Boqorku damaciisa ku aaddan dhulka Soomaalida illaa tan iyo Banaadir ayuu ku andacooday, isaga oo sheegay in Itoobiya leedahay  arliga buuraha iyo Banaadir u dhexeeya. Ilaa xiligaasna Itoobiya aayar aayar ayey ku soo siqaysay kuna guulaysatay in ay dhul badan oo Soomaaliyeed qabsato.

Waxa ugu dambeeyey Hawd iyo dhulkii kaydka ahaa (Reserve Area) oo lagu wareejiyey Itoobiya 1954. Si muran aanu uga iman Itoobiya waxay ku doodday markii dagaalkii adduunka labaad dhammaaday in qaybtii Soomaaliya ee Talyaanigu guumaysanayey iyada lagu wareejiyo.

Tarikhiyahanka Itoobiya waxay aaminsanyihiin in Boqor Xayle Selaase ogaa in aanu helayn Soomalida Koonfureed ee Talyaanigu haystay, laakiin ay gorgortan ka ahayd si Hawd iyo Reserved Area aan looga daba iman. Sidaasaanay u dhacday.

Itoobiya caan ayey ku tahay sida heshiiska loo saxeexo dabadeedna sida iyadu jeceshahay ay u macnaysato. Waxa arrintaas daliil u ah heshiiskii Wichale ee Minilik II Talyaaniga la galay May 2, 1889. Markuu Minilik II ogaaday in uu qaldamay oo dhulka hadda la yidhaa Eriteriya lacag adag ku badashay, 1893 wuu dafiray wuuna ka baxay. Waxa Minilik ku dootamay in heshiiska Afka Faransiska ku qorani aanu khusayn, laakiin qaybta Amxariga ku qoran oo kaliya uu ictiraafsanyahay. Taasna Itobiya sida ay rabtay u micnaysatay.

Sidoo kale, Boqor Xayle Selaasi hashiiskii isaga iyo Ingriisku kala saxeexdeen in Hawd iyo Resrve area aanu shuqul kulahayn 1950kii, wuu dafiray. Mar uu ka cawday dawladda Ingriiskana, waxa uu kaga dacwooday in Ingriisku si qaldan u micnaystay heshiiskii ka dhexeeyey labada dhinac.

Xiligan Xaadirka ah iyo Arrimaha xaasaasiga ah

Waxa hadda xaasaasi ah in Itoobiya rabto in Badda Soomaaliya isticmaasho. Soomaaliya marka la leeyahay waa inta loo yaqaan Jamhuuriyadda Soomaaliya. Hadderna isticmaal waabay dhaaftay oo waxa la taaganyahay xili R/W Itoobiya carrabka ku dhuftay dhowr jeer in Itoobiya iyo Soomaaliya midoobi doonaan.

Shirkii madaxda Itoobiya, Eritiriya iyo Soomaaliya kuyeesheen Bahir Dhar, R/W Itoobiya waxa uu si cad u sheegay in ay saddexda dal yeelan doonaan hal madaxweyne. Arritaas waxa ka horreeyey isaga oo Villa Soomaaliya dhexdeeda kaga dhawaaqay in Soomaliya iyo Itoobiya ay hal dal noqon doonaan.

Bishii May ee ina soo dhaaftay waxa Itoobiya ay heshiis hadda aan wax ka soo qaad lahayn la saxeexatay Somaliland. Heshiiskaasi waxa uu ahaa mid saddex geesood ah (Soomaliland, Itobiya, iyo Dubai World), kuna aaddanaa dekedda Berbera.

Tan iyo xiligii Xayle Selaasi Boqorka ahaa, waxa Itoobiya doorbidaysay in ay Saylac dakad ka sameysato. Waxa mashruucaasi sii xoogaystay xilligii Mangistu Xayle Maryam oo daraasad balaadhan oo ku aaddan dhinaca dhismaha, jidka Saylac iyo Dirdhabe iyo kharashka ku baxaya dhammaystiray. Arrinta Saylac waxa si farsamaysan wax uga qoray John Spencer oo la taliye u ahaa Xayle Selaasi. Xayle Selaasina Saylac xoog ayuu ku qabsan lahaa haddaan Musawac iyo Casab aanu heli lahayn 1940kii.

In Soomaaliya iyo Itoobiya la mideeyo waxa si xooggan looga hadlay kadib dagaalkii 1977kii. Mengistu iyo Siyaad Barre ayuu Fidel Kastro isugu keenay Cadan. Inkastoo meelo badan la isku afgartay, waxa kaliya oo laga gudbi kari waayey xagga farsamada iyo sidii israacu u dhicilahaa. Soomaali Galbeed ma waxay marka hore ku biiraysaa Soomaaliya, dabadeedna isku biirku dhacayaa, mise sida labada dal hadda yihiin ayaa la isugu darayaa.

Xiligi Meles waxa Maxamed Ibrahim Cigaal (AHN) si cad u codsaday in Somaliland iyo Itoobiya midoobaan. Males oo arrintaas aad ugu farxay ayaa haddana saluugay xaalka Soomaaliya ku sugantahay. Waxaanu Meles ku taliyey in la sugo xiliga Soomaaliya hagaagto, dabadeedna laga fakiro in Soomaaliya oo mid ah iyo Itobiya la mideeyo.

Midaynta Itoobiya iyo Soomaaliya ee hadda Mudane Farmaajo iyo Abiy wadaani ma’aha markii ugu horeysay, laga mana yaabo in ay noqoto markii ugu dambeysay. Arrinta isku darka ee R/W Abiy dhowrka jeer ka hadlay, MW Farmaajana ka gaabsaday laba arimood ayaan ka baran karnaa:

  1. Boqol iyo konton sano dabedeed waxa Itobiya u caddaatay in aanay xoog iyo weerar ku qabsan karin badaha Soomaaliyeed. Banaadir jabkii kaga dhacay Meles 2007dii cashar lama ilaawaan ah ayuu ahaa.
  2. Waxa Itobiya ka go’an in aanay ku sii jir karin go’doonka ka haysta xagga badda, sidaas darteedna gar iyo gar la’aan ay marin u hesho badaha Soomaalida.

Wada hadallada ku aaddan midaynta Soomaaliya iyo Itoobiya waxa hada uun yimd maha laakiin mudo ayaa la hadal hayey. Ma hindisaa mise waa wax waaqici ah? Wali ma kala cadda.

In Geeska Afrika ka gudbo dagaal iyo is boob waa arrin la soo dhaweyn karo. In dhinacyada kala duwani wax wada qabsadaani Iyana waa arin xiligeedii la joogo. Waxaase lama huraan ah in marka hore laga munaaqashooda arrimaha taariikhiga ah een wali laga heeshiin. Arimo badan oo buste la saarayo ayaa jira.

Midaynta dadyawga Geeska Afrika ku nool ma waxay noqonaysaa mid qowmiyadaha ku salaysan sida Soomaali (27 milyuun), Oromo (40 Milyuun), Amxaro (25 Milyuun), Tigrian (Eriteria iyo Tigray (10 Milyuun), iyo Koonfur Itoobiya (15 Milyuun)? Mise mid ku salaysan xadka gumeysugu ka tagay 1954? Mise waxa la isku raaci saddex geesoo ah Kushitic (Soomaali iyo Oromo), Omotic (Koonfur, Benishangul), iyo Semitic (Amhara, Tigrey, iyo Eriteria).

In la midooba waxay keeni kartaa in lawada najaxo, nabaduna xoogaysato. Waxase marka hore la rabaa in qaabkii loo midayn lahaa (Frame work for unification) ummadahan kala duwan een is aaminsanayn loo qeexo.

W/Q: Faysal Cabdi Rooble
Wardheernews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here