Kooxda Juventus Oo Qiimo Waali Ah Kusoo Jiidaneysa Xiddiga Arsenal Aaron Ramsey

44

Kooxda Juventus ayaa dooneysa iney qaado tallaabo aan horay looga baran taasi oo ah iney mushaar qaali ah kusoo jiidan doonto xiddiga Arsenal Aaron Ramsey.

Xiddigaan heerka caalami wuxuu noqonayaa xor marka uu dhamaado fasalkaan, iyadoo Gunners ay go’aan ku gaartay ineysan heshiis cusub siinin.

Xiddigaan waxaa doonaya kooxo kale oo ka dhisan qaaradda yurub waxaana safka hore ku jira Bayern Munich balse haatan kooxda difaacaneysa horyaalka talyaaniga ayaa isha ku heysa xidigan.

Bianconerri waxey diyaar ula tahay adduun dhan 10.4 Malyan oo Pound, taasoo ka dhigan iney isbuucii siin doonto adduun dham 200,000 kun oo Pound.

Aaron Ramsey fasax ayuu u heli doonaa bisha 1-aad ee sanadka cusub taasi oo u suura gelinaysa inuu la hadlo koox walba oo ka dhisan meel ka baxsan England.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here