Guddoomiye Mursal Ma Aqbali Doonaa Kala Diristii Guddiga Maaliyadda?

22

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa hadda waxa uu aad uga fekerayaa arrimaha ku aadan go’aankii lagu kala direy guddigii maaliyadda ee golahaasi.

Sida ay Somalipost ogaatay, waxa uu guddoomiye Mursal shaacin doonaa go’aankiisii ugu dambeeyey.

Kulan ay Talaadadii tagtay yeesheen guddiga joogtada ee golaha shacabka ayaa waxaa go’aan lagu gaaray guddoomiye Mursal in arrintaasi loo daayo.

Waxyaabaha horyaalla guddoomiyaha ayaa ah in Labo arrin mid uu ku dhaqaaqo, kuwaasi oo kala ah inuu raaco go’aankii guddoonka golaha shacabka ee lagu kala direy guddigaasi iyo sidoo kale in uu kasoo horjeesto.

Haddii uu guddoomiyaha aqbalo go’aankaasi wuxuu xaqiijinayaa inuu ka booday qodob dastuuri ah oo ku aadan in guddiyada golaha shacabka aan go’aan guddoon lagu kala diri karin.

“Guddoomiyaha isaga ayaa qaadan doona go’aanka ugu dambeeya, waayo waa meesha kaliya ee hadda la dhowrayo si xaaladda golaha ka taagan loo damiyo” sidaasi waxaa Somalipost u sheegay mudane ka tirsan guddiga joogtada ah ee golaha shacabka oo magaciisa ka gaabsaday.

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa hadda waxa ay go’aan kama dambeys ah ka sugayaan guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Somalipost
Muqdisho, Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here