Dowladda Itoobiya Oo Shaacisay Xilliga La Dhoofinayo Shidaalka Laga Helay Somali State

20

Wasaaradda macdanta, shidaalka iyo saliidda dabiiciga ah ee dowladda Itoobiya ayaa shaacisay xilliga ay bilaabi doonaan dhoofinta shidaalkii laga helay dhulka Soomaalida ee Itoobiya (Somali State).

Qoraal kasoo baxay wasaaraddan ayaa lagu sheegay in Saddex sano gudahood lagu soo gabagabeyn doono soo saarista shidaalkan ceyriinka ah, kadibna ay bilaabi doonaan dhoofintiisa.

“Waxaa la qodi doonaan Boqolaal ceel kale oo dalka ah, waxaana Saddex sano lagu soo gabagabeynayaa soo saarka shidaalka deegaanka Soomaalida, kadibna dhoofin ayaa la bilaabi doonaa” ayaa qoraalka lagu yiri.

Keyd shidaal oo aad u badan ayaa laga helay dhulka Soomaalida Itoobiya, iyadoo la filayo in daqli badan laga siiyo gobolkaasi.

Itoobiya ayaa hadda dooneysa iney dhaqaale badan ka sameyso shidaalka, kana faa’ideysato kheyraadkeeda.

Somalipost
Muqdisho, Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here