Diyaarado Maraykanka Laga Leeyahay Oo Ku Burburay Japan

16

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in meel ku dhow xeebaha dalka Japan ay ku burbureen Labo diyaaradood oo laga leeyahay Maraykanka, xilli ay howlgal ka wadeen meel ka baxsan xeebta Japan.

Waxa ay diyaaradahan ka duuleen Markabka Marine Corps, iyadoo uu shilkan dhacay saakay abbaare 2-dii subaxnimo, kana dhacay meel qiyaastii 200 Mile ka baxsan xeebta Japan.

Diyaaradahana waxaa la socday 7 qof oo illaa iyo hadda lagu la yahay nolol iyo geeri,waxaana socota baadigoobkooda.

Labadan diyaaradood ayaa mid kamid ah waxay ahayd nooca dagaalka, midna waxa ay ahayd mid u adeegta ciidamada, waxaana socda baaritaannada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here