Dhageyso: Xiisad Ka Jirta Degmada Baardheere Ee Gedo

27

Xiisad dhanka maamulka ah ayaa weli waxa ay ka taagan tahay degmada Baardheere ee gobolka Gedo, iyadoo shalay Bandow lagu soo rogey degmadaasi.

Waxa ay xiisadda u dhaxeysaa Labo mas’uul oo mid walba uu wato wareegto ku aadan inuu yahay guddoomiyaha degmada Baardheere, taasi oo kasoo baxday wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland.

Cismaan Nuur Xaaji oo ah guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada degmada Baardheere ayaa sheegay in maamulka Jubbaland sababta ay mas’uuliyiintan usoo magacawday ay tahay dagaallo dhaca.

Wuxuu tilmaamay in saraakiisha ciidanka xoogga dalka ay fareen in Labada nin ee wareegtada kala wata aanay wax shaqo ah qaban inta xal rasmi ah laga gaarayo.

Ciidamo ay kala wataan raggan wata wareegtada guddoomiyenimo ayaa la sheegayiney isku horfadhiyaan degmadaasi, taa oo keentay in Baardheere Bandow laga dhigo si aanu dagaal u dhicin.

Hoos ka dhageyso:

Somalipost
Baardheere, Gedo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here