Dhageyso: Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Hal Arrin Darteed u Aadaya Kismaayo

25

Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, C/xaashi C/laahi iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah u ambabaxaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Waxa uu guddoomiyaha sheegay in sababta ay u aadayaan Kismaayo ay tahay sidii lagu xallin lahaa tabashada Jubbaland, la isuguna soo dhoweyn lahaa maamulkaasi iyo dowladda dhexe.

Guddoomiye Xaashi ayaa sheegay in meel gebogebo ah u mareyso xallinta khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, una baahan yahay in la helo isku duubni iyo wax wada qabsi.

Aqalka sare ayaa muddooyinkan dambe aad ugu howlanaa xallinta khilaafka ka dhaxeeya dowladda federaalka iyo sidoo kale dowlad goboleedyada.

Maamulka Jubbaland ayaa ka mid ah maamul goboleedyada uu xiriirka xun kala dhaxeeyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Hoos ka dhageyso codka guddoomiyaha.

Somalipost

Muqdisho, Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here