DEG DEG:Amisoom o Qarax Lakula Begtay Xaafada Suuqa Xoolaha

86

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in qarax xoogan lala eegtay mid kamid ah kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada Amisom ee howlgalka Nabad ilaalinta u jooga Somaliya.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay Xaafado badan oo kamid ah magaalada Muqdisho, ayaa ka dhacay Nawaaxiga Isbitaalka SOS ee degmada Hiliwaa, Qaraxa kadib waxaa la maqlay rasaas xoogan oo ay ridayeen Ciidamada Amisom ee la qarxiyay.

Goob Joogayaal, waxey soo sheegeen in qaraxa uu kahsaare ka soo gaaray Ciidanka Amisom, uuna burbur soo gaaray mid kamid ah gaadiidkii ay wateen Ciidanka, Balse si dhab ah looma oga xadiga uu gaarsiisanyahay Khasaaraha.

Sidoo kale, waxaa jira kahsaare soo gaaray dad Shacab ah oo ay haleeshay rasaasta ay rideen Ciidamada Amisom, waxaana mararka qaar la maqlayay rasaasta ka dhacda qoriga dhashiikaha ah.

Ciidamada Amisom, ayaa inta abdan rasaas dhowr jiho u rida marka qaraxyada lala eegto, iyadoo aaney jirin cid kala xisaabtanta dhibaatooyinka ay u geystaan Shacabka

Mohamed Bashir

Mogadisho/somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here