DEG DEG: Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Gaarey Kismaayo

11

Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Claahi iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow oo galabta ah gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa guddoomiyaha iyo wefdigiisa kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Kismaayo.

Ammaanka magaaladaasi ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo la xiray inta badan waddooyinka magaalada Kismaayo.

Guddoomiyaha ayaa la kulmi doona madaxda Jubbaland, wuxuuna si gaar ah ugala hadli doonaa arrimaha ku aadan khilaafka dowladda dhexe iyo maamulkaasi.

La soco wixii soo kordha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here