Dagaal Xooggan Oo Ka Dhacay Gobolka Gedo

24

Dagaal xooggan oo u dhaxeeyey ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Hareer-tuur oo ka tirsan gobolka Gedo.

Deegaankaasi ayaa gelinkii dambe ee shalay waxaa fariisin cusub ka sameystay ciidanka xoogga dalka, hase ahaatee waxaa maanta halkaasi weerar xooggan kusoo qaadey Al-shabaab.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintey Saddex qof, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay, welina waxaa la maqlayaa rasaas goos goos ah.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee ku sugan deegaankan lagu dagaallamey ayaa sheegay iney iska caabiyeen Al-shabaab, dibna u celiyeen.

Al-shabaab dhankooda waxay sheegeen in dagaalkaasi ku dileen askar badan oo ka tirsan ciidanka dowladda kuna qabsadeen hub badan waa sidey hadalka u dhigeenne.

Deegaanka Hareer-tuur ayaa u dhaxeeya degmada B/xaawo iyo Tuulo Barwaaqo ee gobolka Gedo.

La soco wixii kusoo kordha

Somalipost
Muqdisho, Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here