Akhriso: Soomaalida Ku Nool Angola Oo Dhib Ku Qaba Helista Baasaboorka Soomaaliya

19

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Angola ayaa sheegay in dhibaato aad u weyn ay ku qabaan sidii ay ku heli lahaayeen Baasaboorka dalkooda, islamarkaana lacago badan laga doonayo haddii ay rabaan iney helaan Baasaboorka.

Sharma’arke C/nuur Xasan oo ah guddoomiyaha Jaaliayadda Soomaalida ee Angola ayaa sheegay in Baasaboorka meesha ugu dhow ee ay ka helaan ay tahay safaaradda Soomaaliya ee South Africa.

Wuxuu tilmaamay in xiriiro badan oo ay la sameeyeen safaaraddaasi ay waayeen cid si sax ah uga jawaabta cabashadooda.

“Cidna inooma jawaabin markaan la xiriirnay safaaraddeena South Africa, waxaa la rabaa in lacag badan nalooga qaato Baasaboorka oo hadda inoo muhiim ah”

Dhanka kale, Sharma’arke ayaa ugu baaqay madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka Soomaaliya iney wax ka qabtaan cabashadooda, mana jirto dhanka kale wax war ah oo kasoo baxay safaaradda Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika.

Somalipost
Muqdisho, Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here